Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya oo ku Wajahan Galmudug

1481

Wasiirka Arimaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu soo gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu la kulmo hoggaanka ugu sareeya ee Ahlusuna waljamaaca, waxaa ayna ka wadahadlayaan sidii ahlusuna loogu soo qori lahaa xubnaha ay rabaan in guddiga doorashada galmudug loogu daro.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in markii ay heshiis soo wada gaaraan wasiirka arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo hoggaanka ahlusuna uu kadib dib ugu laaban doono magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ku dhawaaqi doono xubnaha gudidiga ee doorashada maamulka galmudug,

Hoggaanka Ahlusuna ayaa xalay magaalada Dhuusa mareeb waxaa ay ku yeesheen kulan aan caadi aheyn, kaasi oo ay kaga arinsanayeen go’aan ka soo baxay madaxweyne farmaajo,kaasi oo ahaa in Ahlusuna guddiga laga siiyo 4 xubnood.

Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Dhuusamareeb, taas oo ay qaban qabaanineyso dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa kal hore ku sugnaa Magaalada dhuusamreeb isagoo ka qeyb qaatay dibu heshiisiinta Masuuliyiinta Ahlusuna iyo Galmudug iyo Sidoo kale isku dhafka ciidamada ahlusuna iyo Kuwa dowladda federaalka ah.