Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir.
Wasiiro kamid ah Xukuumadda Puntland, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa uga hortagay garoonka diyaaradaha Garoowe.
Waftigan oo ka yimid magaalada Muqdisho ayaa hor dhac u ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo in uu Puntland booqasho ku yimid maado.
Puntlandtimes ayaa heshay xog sheegaysa inuu la qorsheeyay imaanshaha Madaxweynaha jimcaha soo socda, wallow ay socdaalkiisa wax iska bedeli karaan, maadama ay caqabado badan horyaalaan Villa Soomaaliya.
Socdaalka Xasan Sheekh Maxamuud ee caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa noqonaya kii saddexaad ee uu ugu baxayo Dawlad Gobaleedyada, isagoo horey u tagay caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed (Baydhabo) iyo magalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.