Wafti horudhac u ah Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo +SAWIRRO

724

Wafdi hordhac ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Baydhabo. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud, waxaana xubno ka ah Xildhibaano, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalinta berri safarkiisa u horreeyay ku tagaya Baydhabo, tan iyo markii la doortay 15 bishan May, waxaana safarkiisa ka mid yahay safaro uu ku tagayo Xarumaha Dowlad Goboleedyada ka hor caleema saarkiisa.

 

Xasan Sheekh ayaa sidaan oo kale markii xilka Madaxweynaha loo doortay sanadkii 10 September 2012 waxaa uu booqashadiisa u horreeyay ku tagay Baydhabo.