Walanweyn oo dagaal qarka usaaran

1747

Wararka laga helayo degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka tagaan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa dadka deeganka iyo maleeshiyaad hubeysan.

Xalay fiidkii ayaa waxaa Goobjoogayaal ay sheegen in degmada Walanweyn uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,kaas oo dhexmarey rag hubeysan oo ka tirsan dadka degmada Walanweyn iyo maleeshiyaad kale oo isla degmada ku sugan.

Dad ku sugan degmada Walanweyn ayaa sheegaya in xiisada ay salka ku heyso isqabqabsi la xiriira dhinaca Maamulka ah,iyada oo la sheegay in Xubno Xildhibaano ah oo deegaankaasi tegay ay sheegeen in ay u sameynayaan Maamul,hayeeshee dadka degmada qaarkood ay kaso horjeesteen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in saaka degmada walanweyn ay ka taagan tahay xisad dhaxeysa raggii dagaalamey,waxaana dadka degmada ay sheegayana in ay cabsi dareemayaan,inta badana weli aan la furin Goobihii Ganacsiga qaarkood ee degmada Walanweyn.

Maamulka Koonfur Galbeed weli kama hadlin dagaalka ka dhacay degmada Walanweyn iyo xiisada ka taagan oo u dhaxeysa maleeshiyaad kamid ah dadka ku nool degmada Walanweyn iyo maleeshiyaad kale.