Waqtiga Ra’iisul Wasaaraha cusub la horgeynayo Baarlamaanka oo la shaaciyay

1627

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in Maalinta Isniinta oo Berri la horgeeyay Xildhibaannada Golaha Shacabka si ay kalsoonida u siiyaan ama u diidaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka iyo qaar kamid ah Xildhibaannada,isaga oo kala hadlay sidii ay codka kalsoonida u siiyaan lahaayeen.

Markii ugu horreysay tan iyo markii la Magacaabay ayuu Ra’iisul Wasaaraha Cusub warbaahinta kasoo muuqday, isaga oo Xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan.

Haddii la ansixiyo Ra’iisul Wasaaraha cusub wuxuu si degdeg u soo dhisi doonaa Xukuumad cusub oo badi xubnaheeda Wasiirada ay diyaarsan yihiin, waxaana jira Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka oo dadaal ugu jira inay ak mid noqdaan Xukuumadda Cusub.