WAR CAD: Arsenal Oo Ugu Dambayn Go’aansatay Tababaraha Ay Doonayaan In Ay Unai Emery Ku Badalaan

1679

Maamulka Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u go’aansatay in ay doonayaan in ay u dhaqaaqaan tababare ku xigeenka kooxda Man City ee Mikel Arteta si uu u noqdo badalka Unai Emery.

Caawiyaha Man City ayaa Ah Dookha 1-aad ee kooxda Arsenal si uu u noqdo badalka tababare Unai Emery.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ayaa doonaya in uu tababare u noqdo kooxda Arsenal waxana laga yaabaa in uu Pep Guardiola ka hor istaaggo inkasta oo uu Arteta doonayo in uu furto xirfadiisa tababaraha 1-aad ee kooxda.

Arteta ayaa ku dhawaaday in uu Arsene Wenger ka badalo shaqada sanadkii 2018 markaas oo uu ugu cad-cadaa shaqada kooxda.

Laakiin Gudoomiye ku xigeenkii hore ee kooxda Ivan Gazidis ayaa hor istaagay heshiiska isaga oo ka doorbiday tababare Unai Emery.

Laakiin Haatan maamulka Arsenal ayaa go’aansaday in ay xiddigoodii hore ku aaminaan hogaaminta kooxda si uu u hogaamiyo kooxda sida uu Chelsea u hogaaminayo Frank Lampard.