War Cusub. Hanjabaad Loo diray Dadka ka soo Horjeeda Madaxweyne Ahmed Madoobe

1700

Taliye Cabaas Gureey”Qofkii Axmed Madoobe kasoo horjeesta Waa Al-Shabaab”

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo Korneyl Cabaas Ibraahim gureey oo fagaaro kula hadlayay dadweyne ku sugan deg,ada Ceelwaaq ayaa si cad u taageeray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu yahay hoggaamiye dalkan wax badan u soo qabtay,isla markaana uusan aheyn qurba-joog wada baasaboor Ajnabi ah,sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna ugu danbeytii sheegay. In qofkasta oo arinkaa isku Daya uu ceqaabteedda muteysan doono.