War.Cusub Hogaanka Ahlusuna Ee Gobolada Dhexe oo ka Carooday Hadal ka soo Baxay Dowladda Dhexe

1660

Khilaaf Siyaasadeed ayaa ka dhex Taagan Hogaanka Culimada Soomaaliyeed ka dib markii Dowladda Somaliyaay sheegtay Shirka Magaalada Dhusa mareeb ay Daah.furayaan Culima udiin Dowladda ay ka keensatay Muqdisho Arinkaasi ayaa waxaa walaac ka muujiyay Culimada ku Sugan Gobolada Dhexe Ee Somaliya

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan Madaxtooyada Inji ka socda kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan culumaa u diinka Ahlusunna oo iskaga kala yimid dhamaan deegaanada Galmudug.

Culumadaan ayaa ka arinsanaya mowqifkooda ku aaddan, warar soo baxay oo sheegaya in dowladda dhexe ay qorsheynayso shirka Dhuusamareeb inay furaan, Sheikh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheikh Bashiir Axmed Salaad oo iyagu ah dariiqada Alitaxaad.

Culumada Ahlusunna ayaa arinkaas waxaa la sheegay inay aad uga caroodeen waxaana laga dhur sugayaa waxa kasoo baxay kulan ay maanta ku leeyihiin Madaxtooyada Dhuusamareeb ee Inji.