War.Cusub Hogaanka Ahlusuna oo ka Hor yimid Gudiga Dorashadda Galmudug

1859

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saacaadaha soo aadan lagu wado in hoggaanka Ahlusuna ay ku dhawaaqaan guddiga farsamada ee dhismaha maamulka galmudug.

Guddigan ay ku dhawaaqi doonaan hoggaanka Ahlusuna ayaa la filayaa in ay soo xulaan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulka Galmudug.
Guddoomiyaha guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud,

Madaxa Xukuumadda galmudug Sheekh Shaakir iyo C/risaaq Maxamed Ashacari oo kamid ah hoggaanka Sar sare ee Ahlusunna ayaa kulamo ka wado magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Lama oga go’aanka ay qaadan doonaan Hoggaanka ahlusunna oo horay dhowr mar heshiis ula galay dowladda Federaalka ee hadda jirta iyo kuwii ka horeeyey oo aan dhaqan gelin.

Dowladda Soomaaliya ayaa hada waxaa ay wajahaysaa culeys weyn oo kaga imaanaya hogaanka Ahlusuna waljamaaca.

Waa khilaaf cusub oo soo food saaray dowladda Soomaaliya, lamana oga qaabka ay ku maareen doonto dowladda tabashada hada ay muujinayaan hoggaanka Ahlusuna.