War.Cusub Kismaayo Waji Cusub gashay & Ahmed Madoobe Oo Noqonaya Madaxweynaha sharciga ah, Jubbland

1794

Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Ku Meel gaarka Maamulka Jubbland ayaa waxaa ka Soconaya Diyaar Garowgii ugu danbeyey Ee Soo Dhaweynta wafuuda ka qeyb galeysa Caleema Saarka Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbland Ahmed Islaam, Madoobe

9 bishaan ayaa la qorsheynaya in Kismaayo ay ka Dhaco Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbland.
Waxaana Halkaasi ku sii qul qulaya Siyaasinta Mucaaradka iyo Xildhibaano ka Tirsan Dowladda Somalia.

Magaalada Kismaayo waxaa laga Dareemayaa Qaban Qaabadda Munaasabada Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbland.
Inkasto weli Dowladda Somaliya ay ka soo Hor Jeeddo Caleema Saarka Ahmed Madoobe oo ay horey usheegtay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya in aysan aqoonsaneyn Doorashada Ahmed Madoobe

Dhanka kale Ahmed Madoobe ayaa ku adkeysanaya in uu yahay Madaxweynaha saxdaa ee Maamulka Jubbland Ee Fadhigiisu yahay Magaalada Kismaayo.