War Cusub;- Madaxweynaha Galmudug Oo Muqdisho oga dhawaaqaya Go.aan la wadda Sugayay.

1798

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waddaa in uu ku dhawaaqo Guddiga soo xulista xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug iyo Farsamada maamulka Galmudug.

Xaaf ayaa saacaddihii ugu dambeeyay la tashiyo la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaana ay isku raaceen in uu Magacaabo Guddi ka kooban 12 xubnood.

Ra’iiusul Wasaare Kheyre ayaa dhawaan sheegay in hanaanka Geedi socodka Galmudug uu la wareegay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle.

Maamulka Galmudug ayaa wajahayay Khilaaf maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu si rasmi uga laabtay tilaabadii uu ugu wakiishay howlaha maamulka Galmudug Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya