War.Cusub Madaxweyne Trump Oo ku Dhawaaqay Go.aan ka Farxiyay, Shacabka Islaamka

1722

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in dhammaan la qaaday cunaqabateyntii la saaray Turkiga, kaddib markii heshiis xabad joojin ah laga gaaray waqooyiga Suuriya oo todobaadyo ka hor uu Milateriga Turkiga ku qaaday guluf dagaal.

Trump ayaa sheegay in sababta cunaqabateynta loo qaaday ay aheyd marki dowladda Turkiga ay ogolaatay in la sii wado xabad joojinta.

“Dowladda Turkiga waxay Maamulkeyga u sheegeen inay joojinayaan gulufkii dagaal ay ka wadeen waqooyiga Suuriya, ayna xabad joojinta ka dhigayaan mid toos ah”ayuu yiri Donald Trump.

Mr Trump ayaa sheegay in Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka uu ku wargeliyay in laga qaado dhammaan cunaqabateyntii la saaray Turkiga 14-kii bishan,

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa horay u sheegay inuu cunaqabateyn ku soo rogay Turkiga, kaddib markii Turkiga ay weerar ku qaadeen waqooyiga Suuriya oo ah halka ay ku xooggan yihiin Kurdiyiinta.