War.cusub Sufa Oo Ciidankii ugu badnaa Geysay Dhuusa Mareeb & Xaalada Kacsan

1432

Ciidamo taabacsan Ahlu Sunna oo caawa ku qulqulaya Dhuusamareeb

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in deegaano dhowr ah oo ka kala tirsan Mudug iyo Galgaduud galabta ka baxeen ciidamo taabacsan Ahlu Sunna kuwaas oo qaarkood caawa gaaray Dhuusamareeb

Ciidamadan ayaa in tooda badan laga waday deegaano ay ku xoogan yihiin wadaadada yuufiyada

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa maanta ka baxay magaalada Dhuusamareeb kuwaas oo tagay deeganka Bali-howd waxayna halkaas kula soo kulmeen ciidamo taabacsan saacado kadib ayayna dib ugu laabteen Dhuusamareeb

Ahlu Sunna ayaa la filayaa in saacadaha soo socda war kasoo saaran heshiisiinkii ay la galeen dowlada dhexe iyo xaalada Dhuusamareeb