25.1 C
Mogadishu
Sunday, July 7, 2024
Home Somali News War.Cusub Taliska ciidanka Amisom oo Somaliya ka Bilaabay Qorshaha Kala guurka.

War.Cusub Taliska ciidanka Amisom oo Somaliya ka Bilaabay Qorshaha Kala guurka.

1553

Jeneraal Lakara ayaa booqasho ku tagay magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo ah xarumaha AMISOM ee qeybaha 4aad iyo 5aad ee ay kala hoggaamiyaan Ciidamada ka socda Jabuuti iyo Burundi.

Taliye kuxigeenka ayaa booqday magaalada Beledweyne oo ay xarunta qeybta 4aad ee ay maamusho Ciidamada Jabuuti oo ay taageerayaan Ciidamada Itoobiya, waxaana uu u kuur galay ammaanka iyo horumarka la gaaray.

“Waxaan helnay doodo dheer si aan u eegno waxa loo baahan yahay in la qabto iyo waxa loo baahan yahay in la bixiyo, si aan awood ugu siino ciidamada in ay gutaan howlaha loo igmaday.”

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay fulinayaan qorshaha kala guurka Soomaaliya ee ku aadan in sanadka 2021 ay AMISOM ka baxdo Soomaaliya, isla markaana ku wareejiso Mas’uuliyadda Amniga Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliye kuxigeenka Ciidamada ayaa caddeeyay in inta Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay dhisayaan ciidamadooda, ay tahay in AMISOM ay sii waddo howsheeda.