War Deg deg ah. Dagaal Xoogan oo ka Socoda Galgaduud & Khasaare ka dhashay

1628

Dagaal u dhexeeya laba beelood oo ayaa saaka aroortii hore ka bilowday Deegaanka Ribadle oo xiga dhanka Ceelhabreed.

Ilo wareedyo uu la hadlay Oogle Media ayaa sheegaya in dagaalka oo socda ilaa hada uu sii xoogeysanayo.
72dii saacadood ee lasoo dhaafay ayaa 5 qof oo beelahaa dagaalamaya ah siyaabo kala duwan loogu dilay aanooyin qabiil.

Dirirta beelahan ayaa kusoo aadeysa xili uu socdo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug ayna joogaan ciidamadii ugu badnaa ee dowlada Federalka Soomaliya.