WAR Deg deg ah Qarax Ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Degaanka Bariire.

1700

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay gudaha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu watay ruux naftii haliga ah, kaas oo lala beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Sida ay soo sheegayaan ilo deegaanka ah waxaa hadda socda dagaal u dhexeeya ciidamada Milatariga Somalia iyo raggii weerarka soo qaaday.

Ma cadda weli inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Xigasho:- Cali Aadan Muumin