War Deg deg: Meydkii Eng. Yaarisow oo Loo Safriyay Dalka Ingiriiska. Sababta Halkaan ka Ogow

1547

Dowladda Ingiriiska ayaa qaadatay Meydka guddoomiye Yariisow, waxaana ay sheegtay in baaritaan lagu sameyn doono in Yariisow dhaawacii u geeriyooday iyo sun loo adeegsaday.

Airport ka diyaaradaha ee Qatar ayaa laga dhoofiyey meydka eng. Yariisow si baaritaan caalami ah loogu sameeyo.

Safaaradda Ingiriiska ayaa markii hore loo diiday in ay qaadato dhaawaca guddoomiye Yariisow oo Britain lagu daaweeyo, taas ayaana la leeyahay shaki badan ayey dhalisay.

Waxaa sidoo kale aan la ogeyn in Meydka guddoomiye Yariisow bari la keenayo, waa suuragal in waqtiga baaritaanku dheeraado.

Warkan waxaa telephone-ka loogu sheegay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku sugan, isagoo ka yimid dhanka deegaanada Galmudug oo uu ku sugnaa bil ka badan.