War-murtiyeed goordhaw laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran +VIDEO

169

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia ayaa laga soo saaray war-murtiyeed.

War-murtiyeedkan oo ka kooban Afar qodob ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin; 1- Sugidda amniga iyo la-dagaalanka argagixisada, 2- Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta iyo 3- Arrimaha bani’aadamnimada.

Golaha ayaa wuxuu isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, ayada oo goluhu uu ku dhiiri-galiyay baarlamaanka inay dardar-geliyaan ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka iyadoo la tix-gelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga qaran ee kaabayay dhameystirka dastuurka.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran: