Wararkii danbeyey Shirka Wadatashiga Nabdeynta Hobyo ka imaanaya Saaka

1616

Wararkii ugu danbeyey Ee ka imanaaya Shirka Wadatashiga Nabdeynta Hobyo ayaa sheegaya in Halkaasi ay ka soconayaan Shirar isbada joog ah oo ay yeelanayaan Salaadinta iyo Odayaasha dhaqanka Shirkaas ka qeyb galaya
Beelaha ka qeyb galaya Shirka ayaa kala Tirsanaya Arimo Horey udhex maray Odayaasha Dhaqanka Beelaha ayaa ku mushquulsan sidii arimahaas oo dhan Xal waara looga gaari lahaa.
Beelaha Sacad iyo Saleeman ayaa ka mid ah Beelaha wax kala tabanaya.
Waxaana Horey udhex maray Dilal ku saleysan aanooyin qabiil Balse Shirar ay labada beel Sacadihii ugu danbeyey ay yeesheen wax ay Xal waara oga gaareen Dhacdoyinkii Horey udhexmaray.
Dhanka kale waxaa weli Soconaya Wajiga labada shirka wadatashiga Hobyo.