Wararkii ugu dambeeyay dagaal Culus oo ka dhacay xerada Hiil-weyne

1980

Dagaalkan oo aad u cuslaa una dhaxeeyey Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa xalay uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ku leeyihiin Xeradii hore ee Hiilweyne oo ku taalla duleedka Waqooyi ee degmada Balcad.

Dagaalka ayaa yimid,kaddib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xerada Hiilweyne oo ku taalla inta u dhaxeysa Magalada Muqdisho iyo degmada Balcad,halkaas ay saldhig ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in Xerada Hiilweyne uu dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ku dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab,isla markaana uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas ugu yaraan shan ruux oo kala ah laba Haween ah oo Shaah ku iibinayey Xerada iyo Saddex Askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda ay ku geeriyoodeen tiro kalena ay ku dhaawacmeen,sidoo kalena uu jiro khasaaro soo gaarey Gadiid ay leeyihiin Ciidamada dowladda ee la weeraray.

Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin dagaalka xalay Xerada Hiilweyne ku dhex-marey Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Wararka saakay naga soo gaarey goobtii lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda kana wadaan dhaq dhaqaaq Ciidan.