Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeeladda Hoose

1528

Warar Dheeraad ah Ayaa Ka Soo Baxaya Dagaal Culus Oo Waabarigii Hore Ee Saaka  Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab ku dhexmaray Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.,

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno  katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Dowladda ay ku lee yihiin degmadaasi Awdheegle,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan hals saac.

Dad ku sugan Awdheegle ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is weeydaarsadeen labada dhinac, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ka dhacay degmada Awdheegle ayaa waxa ay sheegeen inay weerar qorsheysan ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda ku leeyihiin gudaha degmada Awdheeglee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka degmada Awdheegle weli kama hadlin dagaalka saakay degmadaasi ka dhacay ee dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Ururka Al-Shabaab