Wararkii ugu dambeeyay Dagaalkii Baar-sanguuni, Iyo Gaadhi Qarax sida oo lagu Qabtay

1611

Maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar waaberigii saaka ka bilowday deegaanka Baar Sanguuni oo ciidamada Jubbaland iyo Kuwa DF-Somalia ay saldhig ku leeyihiin.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, kadibna waxaa xigay in xubno ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galaan saldhiga Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Warbaahinta ku hadashada afka maamulka Jubbaland ayaa iyada oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi, waxa ay baahisay in Dagaalyahanadii Shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray saldhigooda ay khasaare xoogan gaarsiiyeen.

“Shabaab waxaa weerarkii saakay kaga dilnay 73 askari waxaana sidoo kale ka fashilinay oo aan ka hor tagnay gaari kale oo walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen, waana qarxinay gaarigaai ugu dambeyn” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka Maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale War kasoo baxay Al-Shabaab waxay ku shaaciyeen in saaka deegaanka Baar-Sanguuni la wareegeen,isla markaana ay qabsadeen Saanad Millateri oo halkaasi yaallay.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay qabteen gaadhi laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la doonay in lagu burburiyo buundada deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, si ciidamada Jubbaland aysan u helin gurmad.

Maydadka in ku dhow 10 ruux iyo dhaawaca 15 kale ayaa la gaarsiiyay Isbitaaka guud ee Kismaayo, Isbitaalka Waxaa ka jirta xaalad murugo leh.

Dad badan oo wilashoodii lagu laayay Weerarka Baaraanguuni ayaa ku ooynaya Isbitaalka Kismaayo. Wararku waxay sheegayaan in wali la soo daabulayo Meydadka iyo dhaawaca askartii ay Al shabaab ku laayeen Baarsanguuni.