Wararkii Ugu Dambeeyay Hoobiyaashii xalay lagu garaacay Dhuusomareeb

1418

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weerar madaafiic ah xalay ku qaaday magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ,halkaas ay joogaan Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada qaarkood.

Madaafiicda xalay saqdii dhaxe lagu garaacay magaalada Dhuusomareeb ayaa ka badneed 10-madfac kuwaa oo ku dhacay xaafado dad shacab ah degan yihiin qaarkood halka kuwa kalana ay ku dhaceen goobo banaan.

Afar qof oo mid kamid ah yahay askari katirsan ciidanka booliiska Galmudug ayaa hoobiyaasha xalay lagu garaacay Dhuusomareeb ku dhaawacmay, waxaana dadka dhaawacmay lagu daweenayaa isbitaalka magaalada

Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Salaad ayaa sheegay in ciidamada amaanka jawaab deg deg ah ka bixiyeen madaafiicda Al Shabaab soo tuureen, waxa uuna sheegay in qaarkood la qabtay kuwana la dilay ragii hoobiyaasha soo tuuray.

“ Ciidamada Qalabka sida ayaa si heer sare ah kaga jawaabay dhowr hoobiye oo xalay kooxda Alshabaab kusoo tuurtay Dhuusamareeb.Waxaana ciidanka suurto gashay inay qaar laayaan ,qaarna iyaga oo dhaawaca qabtaan miliishiyaadkii sootuuray madaaficda,sidoo kale waxay gacanta kudhigeen Hoobiyihii ay magaalada kusoo garaaceen iyo qoryahoodii ayuu yiri” Afhayeenka.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgalo balaaran kawada gudaha Dhuusomareeb iyo duleedkeeda, waxa ayna ciidamada adkeenayaan amaanka magaalada oo la filayo in maanta ka furmo shirka Wadatashiga DF iyo maamul goboleedyada.