Wararkii ugu dambeeyay iyo Duqaynta Maraykanku la beegsanayo Al-shabaab

1759

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo is daba joog ah oo saacadihii ugu danbeeyay diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in duqeymihii ugu danbeeyay ka kala dhaceen degmooyinka Jilib iyo Buurhakab oo ka kala tirsan gobollada Jubbada dhexe iyo Baay.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in weerar ka dhacay duleedka degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, laakiin dhinaca duqeynta Buurkahaba wax war ah kama soo bixin wali.

AFRICOM ma sheegin tirada Al-shabaab uga dileen duqeymahan, balse waxay xaqiijisay in uusan jirin wax khasaaro ah oo dadka shacabka kasoo gaarey howlgalkan.

Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayaa Maraykanku sheegay in uu duqeyn kudiley illaa 52 dagaalame kadib markii weerar xoog leh lagu soo qaaday saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen duleedka magaalada Kismaayo.