Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii caawa ka dhacay Liido

1723

Wararka ka imanaya degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in qarax xoogan uu caawa ka dhacay nawaaxiga Aargada Liido, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqisho.

Si dhab ah looma oga in gaariga qarxay uu ahaa mid laga soo buuxiyay walxaha qarxa ama inuu ah mid qof loogu xiray, waxaana socota baaritaano ay wadaan laamaha amaanka ee dowladda.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya ahna Afhayeenka laamaha amaanka ee dowladda Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa sheegtay ineysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa, kaasoo loo adeegsaday gaari noociisa yahay Toyota filler.

“Abbaaro 6.30pm ayaa baabuur noociisa yahay Toyota filler ku qarxay agagaarka aargada Liido. Nasiib wanaag dhimasho iyo dhaawac ma jiro” ayey tiri Zakiya.

Xiliga qaraxa Caawa uu dhacayay waxa ay eheyd waqti dadka ay ku mashquulsanaayeen Af-furka, taasoo yareysay khasaaraha maadaama dadka ay ku kala xaroodeen goobihii ay ku af-furayeen.

Bishan Ramadaan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay ku dhowaad 10 qarax oo khasaare gaarsiiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Shaqaalaha iyo Ciidanka dowladda iyo dad kaloo Shacab ah.

Meelaha qaraxyadaas ay ka dhaceen waxaa kamid ah Xarunta degmada Warta-Nabada, Kontoroolka NISA ee aagga Daljirka Dasoon, Nawaaxiga Hoteelka SYL iyo mid ka dhacay afaafka hore ee Iskuulka Jabuuti.