Wararkii ugu dambeeyay Shacab Lagu Toogtay Copenhagen+SAWIRRO

492

Sida ay booliisku sheegeen, Tiro dadah ayaa lagu dilay, qaar kalena waa ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday xarun laga dukaameysto oo ku taal caasimadda Denmark ee Copenhagen.

Taliyaha booliska Soeren Thomassen oo ku dhawaaqay dhimashada ayaa sheegay in nin 22 jir ah oo reer Denmark ah loo xiray weerarka.

Mr Thomassen waxa uu sheegay in ujeedku aanu caddayn, balse aanu meesha ka saari karin inuu yahay fal argagixiso.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay fiidnimadii Caawa, Mr Thomassen ayaa sheegay inay aad ugu u adagtahay in si sax ah loo sheego tirada dadka ku waxyeeloobay weerarka.

Laakin waxa uu warfidiyeenka u sheegay in aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in rag kale wehliyeen ninka la tuhunsan yahay inuu weerarka geystay.

Goob joogayaal ayaa ka hadlay cabsi soo wajahday dadkii wax ka iibsanayay, iyadoo rasaas ay ka dhacaysay gudaha Suuqa oo ku yaalla Koonfurta magaalada.

Suuqa Field’s waa xarunta ugu weyn Denmark, oo leh in ka badan 140 dukaamo iyo makhaayado.

Sida lagu sheegay qiimeyn la sameeyey Magaalada Copenhagen ee caasimadda Denmark ayaa sanadkan noqotay magaalada ugu nabddoon adduunka.

Booliska Denmark ayaa sheegay in aysan jirin caddeymo muujinayo in weerar argagixiso uu ahaa toogashadii ka dhacday mid kamid ah xarumaha lagu dukaameysto ee ugu weyn dalkaas.

Booliska waxay sidoo kale sheegeen in ninka looga shakisan yahay weerarka uu ahaa nin qaba xanuunada dhimirka taas oo horey loogu sheegay.

Nin hubeysan ayaa saddex qof ku dilay magaalada Copenhagen .

Nin 22 jir ah ayaa la xiray oo lagu eedeeyay weerarka kaas oo argagax ku abuuray dadkii wax ka iibsanayay suuqa Field ee koonfurta magaalada Copenhagen.