Daawo Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkii Buuhoodle

2148

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in xiisad kacsanaan ah saaka laga dareemayo deegaanadii uu maalintii shalay ahayd ka dhacay dagaalku.

Dagaalkii shalay galab ka dhacay degmada Horufadhi ayaa u dhaxeeyey labo malayshiyaad beeleed oo kasoo kala jeeda beelo walaalo ah oo wada dega gobolka Cayn, waxaana dagaalkaasi ku dhintay ilaa 4 qof oo kala ah dhinacyadii dagaalamay.

Xaalada deegaanka ayaa saaka ka badalan jawigii hore, waxaana socda dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan malayshiyaadkii shalay dagaalamay halka waxgaradka iyo culimadu ay dhankooda kawadaan dadaalo nabadeed.

Magaalada Buuhoodle iyo deegaanada kale ee ku hareeraysan ayaa laga dareemayaa colaada labada dhinac, waxaana socda dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo culimada.

Degmada Horufadhi oo ay hore ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland si ay u kala dhex galaan labada beelood ayaa waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo baajinta dagaal kale oo ka dhaca deegaanka, waxaana saraakiisha ciidamadu ay xidhiidh la sameeyeen malayshiyaadka dagaalku dhex maray si loo dhameeyo xiisada.

Isku dayo kala duwan oo socday muddooyinkii ugu dambeeyey oo lagu doonayey xalinta colaada labada beelood oo soo jiitamaysay muddo dheer ayaa fashilmay, waxaana xaalku uu haatan u muuqdaa mid aan wanaagsanayn si xal loogu helo arimaha haatan taagan.