Wararkii ugu dambeeyey ee Dhuusomareeb

1698

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in siyaasiyiin ka tirsan beelaha Habar-gidir ay isku dayayaan inay ka hor-tagaan inay guuleystaan wada-hadallo u dhaxeeya wafdi ka socda dowladda iyo Ahlu-Sunna.

Sida aan xogta ku helnay, siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda beesha Habar-gidir ayaa xalay lala xiriiray Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna Wajmacaada ee Gobalada Dhaxe Sheekh Macalin Maxamuud Xasan, ugana digay inuu aamino dowladda dhexe.

Siyaasiyiintan ayaa u sheegay Macalin Maxamuud in marka dowladda ay meesha ka saarto Xaaf, ay kusoo jeesan doonto Ahlu-Sunna oo ay dagaal siyaasadeed ku billaabi doonto.

Dhinaca kale, waxaa weli magaalada Dhuusomareeb xalay ka socday wada-hadallada u dhaxeeya wafdiga dowladda iyo maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo qorshuhu yahay in meesha looga saaro madaxweyne Xaaf.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay Ahlu-Sunna ka goyso Xaaf, ayada oo Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna Wajmacaada ee Gobalada Dhaxe Sheekh Macalin Maxamuud Xasan u ballan-qaaday xilal wasiiro, safiiro iyo lacag.

Si kastaba, waxaa la isku fahmi la’yahay lacagta. Ahlu-Sunna ayaa waxay dalbaneysaa lacag dhan afar milyan oo dollar, halka dowladda ay halkaas gaysay lacag ku dhow laba milyan oo dollar.

Ma cadda illaa iyo hadda sida wax ku dambeyn doonaan, waxaana suurta gal in lagu kala boodo wada-hadallada, ayada oo la sheegay in Ahlu-Sunna aysan ka tanaasuli doonin dalabkeeda ah afarta milyan, halka dowladda aysan hayn lacag badan.