Wararkii ugu danbeyey wajiga Magaalada Dhuusa Mareeb, Galmudug

1620

Magaalada Dhusamareb oo Saakay dagan kadib markii Xalay ay Magaalada Ka jirtay xiisad u dhexeeda Ahlusuna iyo Ciidanka Dowlada.

Ciidanka Ahlusuna ayaa Xalay fariisin Ka sameestay Xarunta Degmada waxay kaloo joogaan Xero Inji oo ah hoyga hugaanka Ahlusuna.

Ciidamada Dowlada ayaa Ku sugan inta Badan Magaalada Dhusamareb waxayna joogaan Labada koontorool ee Magaalada laga soogalo, Saldhiga Booliska, Xarunta Shiirkole oo ah hoyga ay daganyihiin Gudiga Maamul usameenta dowladu magacaawday waxayna Ku dhagamtahay Xarunta Inji, ciidanka Dowlada ayaa jooga Taliskii Hore ee Xerada ciidanka 21aad, Gurigii Gobolka iyo Garoonka diyaaradaha oo ay Ku sugan yihiin Ciidanka Jabouti iyo Ciidan Dowlada.