Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame ayaa qoray sidan
_____________________________________________________
Waxaa jira dad badan oo reer Galmudug ah, gaar ahaan reer Dhuusamarreeb oo qaba dareen Ahlusunna diid ah, waa dood la qabi karo, waxayse dadkaasi diidi karin in Ahlusunna ay deegaanka nabadeeyeen, Shabaabna ka daafaceen. horay ayaan Ahlusunna uga dignay in aysan Xaaf ka abaal dhicin, garabkiisana ka bixin, mase yeelin.
Shacabka reer Galmudug waxaan uga digeynaa in aysan Ahlusunna ka abaal dhicin oo aysan wax qabadkooda dib u xusuusan markii ay arkaan Al-shabaab oo deegaanka ku doobinaya. Kama filayo kooxda N&N in ay dhisaan maamul beelaha deegaanka u dhanyihiin, sababtoo ah aragtidooda xukun iyo dowlad dhisid ayaa khaldan, waxayna ku dhisantahay; tareenku yuusan kaa tegin, ila jir ama iga jir iyo hirgelinka xukun xarun dhexe ka talin ah, maangalna maaha in aragti khaldan natiijo wanaagsan laga fisho.
Ugu yaraan 600km ayaan si nabdoon ugu dhex safray deegaanka Galmudug. Keliya N&N waxaan ka rabnaa in aysan amni darrida Muqdisho ka jirtay deegaannada Galmudug u soo rarin, in ciidanka dhowrka bilood mushaarka la siiyey aan laga goosan markii dantii laga lahaa laga gaaro iyo in aan dadka reer Galmudug la iska horkeenin, colaadna la dhexdhegin.