Warbixin:- Beesha Ceyr Oo Ka Shirtay Xaaladda Siyaasadeed Ee Galmudug

1732

Shir aan caadi aheyn ayaa waxaa uu magaalada Dhuusamareeb uga socdaa Odayaasha dhaqanka ah ee ka soo Jeeda deegaanada Galmudug.

Odayaasha ayaa waxaa shirkan ugu yeeray ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ah ugaaska beesha Ceyr.

Shirka ayaa looga hadlayaa sidii loogu hortagi lahaa in dhibaato ay ka dhacaan deegaanada Galmudug, islamarkaana Maamulka Fashilmay Farmaajo iyo hoggaanka Ururka Sufo ay ugala hadli lahaayeen inay joojiyaan dhaq dhaqaaqyadan ciidan ay ka wadaan Magaalada Dhuusamareeb.

Xubnaha odayaasha ayaa ka kala yimid degmooyinka Matabaan, Gurceel, Balanbale, Dhuusamareeb iyo deegaanada kale ee ka tirsan Galmudug.

Ugaaska Beesha Ceyr iyo odayaasha dhaqanka ayaa la filayaa in saacadaha ay war ka soo saaraan xaalada cagiran ee ka taagan Dhuusamareeb