Warbixin:- Farmaajo iyo kheyre oo Muqdisho ka Bilaabay Boobka Hantida Shacabka.

1694

Shirkadda Dhismaha Alburuuj ayaa xoog kula wareegtay dhul dhan kun iyo laba boqol oo boos kaas oo ku yaal dhabarka Xeradda tababarka Turkiga ee Muqdisho.

Dhulka Alburuuj boobtay waxaa iska leh 254 qoys oo reer Muqdisho ah laakiin dadkaasi qaarkood waxaa dilay Al-Shabaab halka kuwii kalena dan ku qasabtay iney iska aamusaan.
Garsoorka Maxkamadaha gobolka Banaadir kii gal dacwadeedka qabtaba maalinta xigta wuxuu leeyahay ,waan joojiyay dacwadaas.
Hay’adda dimbi baarista C.I.D waxey xaqiijisay dhulkaas iney shacabka leeyihiin.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Mr Shuute ,Aabahiis oo af ku difaacay qoysaska dhulka leh ee xooga loo sheegtay waa la dilay markiiba.
Dadka dhulka laga dhacay waxey Alburuuj ku eedeeyeen iney Al-Shabaab iyo Dowladda labadaba adeegsanayaan oo qofkii hadlaba la dilaa ama loo soo diraa telefoon hanjabaada.
Qaar ka mid ah dadkii lahaa Dhulkaas wax isaga Carareen Dalka ka dib markii u adakeysan waayeen Hanbalyada kaga imaanaya Dadka dhulkooda Boobay.