Warbixin;- Galmudug, Loolan Adag oo Siyaasadeed udhaxeeya Farmaajo iyo kheyre

1674

Tan iyo markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Ahmed Ducaale Gelle Xaaf uu Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya u wakiishay Dhismaha iyo Horey usocoda Maamulka Galmudug
Waxaa Soconayay Loolan Siyaasadeed oo adag Islamarkaana udhaxeeya
Madaxweynaha Somaliya Mohamed Abdulahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaare kheyre kuwana saabsan Hanaanka loo wajahayo Dhismaha Maamulka Cusub Ee Galmudug

Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaraha ayaa ku kala aragti duwan Dhismaha Maamulkaasi.

Labada Masuul Ee Dalka ugu Sareeya ayaa kala wadta Musharaxin uu ninkasta u arko in uu samata bixi karo Galmudug. Taasi oo aan meesha ka marneyn in Danahooda ay ku fushtaan.

In la Sameeyo Galmudug mideysan waa Mid la wadda Taageersan yahay Balse ay ku Hoos jorto Danaha Madaxdaasi.

Maamulka  Hada uu Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Xaaf ayaa soo maray Mar Xalado kala duwan. Waxaana inta badan waqtigiisa oga Dhumay Khilaafo Siyaasadeed.