Warbixin;- Maxaa Adan Ogeyn Oo ka Soconaya Magaalada Dhusa mareeb.

1642

Ilo xog ogaal ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Guddiga dib u heshiisinta beelaha dega Galmudug ay xalay warqad soo saareen , taasi oo loo gudbiyay madaxda Guddigaasi.

Xubnahan warqada soo saaray ayaa waxaa ka mid ah Ugaas Cabdullaahi Aadan Xaaji Xuseen Shiinle, waxaa uuna guddiga dib u heshiisinta uu u sheegay in ay muhiim tahay sida uu u furmo shirka guddiga ay tagaan Magaalada Hobyo,

islamarkaana ay ka qeyb galaan shirka halkaasi ka soconaya, si buu yiri odayaashaasi loogu qanciyo in ay Yimaadaan shirka ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb.

Jahwareer ba’an ayaa ka jira inuu furmo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug, kaasi oo xiligan caqabado badan ay ku xandaaban yihiiin .

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxaa gaaray xubno badan oo ka mid ah Ergooyinka ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo dhawaan Dhuusamareeb ka furmaya.

Ergadda timid magaalada Dhuusamareeb ayaa ka kala yimid Deegaano iyo Degmooyinka ka tirsan Galmudug halka Ergadda qaar ay ka Yimaadeen magaaladaan Muqdisho ee caasimada dalka.

Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda furmo, iyadoo uu socdo diyaar garowga la xiriira shirkaas, waxaana tirada ka qeyb galaya ergooyinka ay gaarayaan illaa saddex boqol.