WARBIXIN: Qorshaha Barcelona Ee Suuqa Kala Iibsiga 2020 Oo La Ogaaday

3732

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarsatay 3 boos oo ay kooxda ka xoojin doonto marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan iyaga oo doonaya in ay la soo saxiixdaan 3 xiddig.

Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan ku bilaabatay sidii aanay filayn inkasta oo ay lacag fiican galiyeen suuqa iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed aan fiicnayn.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday qorshaha Barcelona ee suuqa xagaaga ama suuqa January hadii ay helaan xiddigaha ay doonayaan.

Barcelona ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato 3 xiddig oo ka kala ciyaara daafaca Midig ee uu haatan ka ciyaaro Nelson Semedo, daafaca dhexe ee uu ka ciyaaro Gerard Pique iyo waliba weeraryahan toos ah kaas oo uu ka ciyaaro Luis Suarez.

1.Joshua Kimmich:

Barcelona ayaa xiddiga reer Germany u doonaysa in ay ku xoojiso booska daafaca Midg ee ay haatan ka wada ciyaaraan xiddigaha Sergi Roberto oo ka ciyaara marka loo baahdo iyo waliba Nelson Semedo oo ah xiddiga booska ka ciyaara.

Barcelona ayaa u aragta in ayna labada xiddig ahayn kuwo ku filan in ay kooxda horay u wadaan iyada oo Roberto doonaysa in uu ka ciyaaro khadka dhexe Halka ayna Semedo u arkin xiddig ay isku halayn karto kooxdu xilli ciyaareed buuxa.

Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa la socoto xiddiga kooxda chelsea ee Emerson iyo xiddiga kooxda RB Leipzig ee Lukas Klosterman kaas oo jira 23 sano.

2.Daafaca Dhexe:

Heshiiska Gerard Piqué ee kooxda Barcelona ayaa dhici doona xagaaga 2022 waxana uu haatan ku jiraa da,diisii 33-aad waxana ay kooxda Barcelona doonaysa in ay la soo saxiixato badalkiisa.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysay saxiixa Matthijs de Ligt ka hor intii uuna ku biirin kooxda Juventus waxana ay haatan doonaysa in ay suuqa ka raadsato xiddig buuxin kara booska daafaca reer Spain.

Barcelona ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigo badan oo da,yar ah sida Nikola Milenković oo u ciyaara kooxda Fiorentina Iyo Andreas Christensen oo u ciyaara kooxda Chelsea.

Waxa intaas sii dheer in ay Barcelona kooxda 1-aad u soo dalici karto da,yarka Ronald Araujo halka ay sidoo kale fursad siin doonto xiddigaha haatan kooxda jooga ee Jean-Clair Todibo iyo Samuel Umtiti.

3.Weerarka:

Luis Suarez ayaa dhankiisa ku jira sanadihii yaraa ee ugu dambeeyay xirfadiisa kubada cagta isaga oo haatan jira 33 jir waxana ay kooxdu haatanba bilowday badalka xiddiga reer Uruguay.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaarsatay xiddigaha Kylian Mbappé, Harry Kane,  Marcus Rashford Iyo Lautaro Martínez kuwaas oo ay u arkaan xiddigo mustaqbalka fog kooxda u ciyaari doona.

Laakiin kooxda Barcelona ayaaa isku dayi doonta in ay suuqa Jnauary la soo wareegto weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang xilli ay Arsenal u muuqato mid aan u soo baxayn champions League xilli ciyaareedka dambe waxana ay diyaar u tahay in ay miiska u saarto lacag dhan 30 milyan oo euro.

Sii Akhriso: Talaabo Cajiib Ah Oo Ay Lamaanuhu Muddo Dheer Jacaylka Ku Sii Wadaagi Karaan Oo La Helay