WARBIXIN: Saddex Sababood Oo Ka Dambeeyay Shaqo Ka Caydhintii Unai Emery Ee Arsenal.

1927

Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn shaqada ka caydhisay tababare Unai Emery iyaga oo shaqada si ku meel gaadh ah ugu dhiibay caawiyihii Emery ahaana Halyeeyga kooxda Arsenal ee Freddie Ljungberg.

Freddie Ljungberg ayaa si ku meel gaadh ah ku hayn doona shaqada kooxda Arsenal iyada oo Gunners raadinaysao badalka saxda ah ee tababare Unai Emery wakhtiga soo socoda.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 3 sababood oo ka dambaysay shaqo ka caydhintii tababare Emery ee kooxda Arsenal.

1.Guuldaradii Frankfurt:

Shaqo ka caydhintii tababare Unai Emery ayaa timid kadib guuldaradii Frankfurt ee tartanka Europa League taas oo keentay in uu samirku ka dhamaado maamulka kooxda Arsenal kaas oo sii socon kari waayyay hal xilli ciyaareed iyo bandh.

2.Samarika Arsenal Oo Dhamaaday:

Maamulka Arsenal ayaa tababare Emery siiyay wakhti ku filan si uu dhanka kale ugu Rugo qaab ciyaareedka kooxda iyaga oo fursad siiyay tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan mar walbana garab istaagay tababaraha si uu u sii ahaado tababaraha kooxda.

Laakiin Madaxda Gunners ayaa u sii adkaysan wayday qaab ciyaareedka liita ee kooxda kadib kulankii Europa League kaas oo go’aamiyay mustaqbalka tababare Emery.

3.Taageerayaasha Arsenal:

Taageerayaasha Arsenal ayaa door weyn oo muhiim ah ka qaatay shaqo ka caydhinta tababare Emery kadib markii ay soo xaadiri waayeen kulankii Frankfurt kaas oo intii soo xaadirtayna soo qaateen boodh ay ku dalbanayaan in shaqada laga caydhiyo tababaraha.

Waxa la xaqiijiyay in 10 kun oo Kursi wax ka badan ay madhnaayeen garoonka Emirates kulankii Frankfurt taas oo keentay in ay maamulka go’aan gaadhaan.