Warbixin;- Shirweynaha Dib uheshisinta Galmudug oo Heer Gaban qabo ah maraya & Arimo Muhiim ah oo looga Hadlay.

1466

Kadib 7 tii bishaan markii uu si rasmi ah uga furmay Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb Shirweynaha Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug ayuu soo gaaray waqtigii uu xirmi lahaa wajiga koowaad ee Shirka, looguna gudbi lahaa wajiga 2 aad ee Shirka.

Mudadii uu socday Shirku ayaa laga gaaray guulo waaweyn oo ay ka mid yihiin;
1. Ergadii loogu talo galay Shirka oo aheed 356 ergo ayaa kor u dhaaftay 700 ergo.
2. Waxaa si nabad ah loogu soo dhaweeyey Caasimadda Dhusamareeb mudo bil ah iyaga oo aan dareemin ciriiri iyo culeys.
3. Waxa ay si xor ah usoo bandhigeen tabashiiyinkii ay qabeen iyo qaladaadkii horay usoo dhacay iyaga oo wada qaatay Casharo la xirrira Xallinta Khilaafaadka.
4. Waxa ay wada gar-waaqsadeen baahida loo qabo isa-saamax, is-cafin, is-aaminid iyo Xalay-dhalay.
5. Waxa ay wada bogaadiyeen kaalinta hagar la’aanta ah ee Dawladda Federaalku ka ciyaartay Galmudug gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre.
6. Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii Garabyada Siyaasadda ee Galmudug.
7. Waxa ay soo wada dhaweeyeen Musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Galmudug.
8. Waxa ay wada qireen baahida loo qabo dhismaha maamul cusub oo leh Aragti iyo Tayo, loona wada dhanyahay.
9. Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii dhex-maray deegaanada Xeraale iyo Huurshe ee soo af-jaray Colaadii loogu magac-daray (Colaada Qarniga) ee Galmudug.
10. Waxa ay wada qireen baahida deg-dega ah ee loo qabo Xoreynta deegaanada Galmudug ee weli ku jira Gacanta Argagaxisada.

Waxaana la filayaa in labada Maalmood ee soo socata uu guul ku xirmo wajiga koowaad ee Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug, kana soo baxo War-Murtiyeed fure u noqda Wajiga 2 aad ee dhismaha Maamulka.