Warbixin;- Xasaasi oo Ka Hadleysa Marxalhihii kala duwanaa Ee dalku soo maray & Siyaasintii Dalka Soo Maray

1709

Cabdullahi Yuusuf (AUN) iyo Maxamed Cali Geedi ayaa dhamaadkii 2006 Muqdisho keeney 30 kun oo ciidamo Itoobiyaan ah waxeyna ciidamadaas Muqdisho ka geysteen xasuuq bani’aadanimada ka baxsan, barakac iyo burbur hanti. Madaafiic aan loo meel deyin iyo layn naxriis daro ah ayaa magaalada ka dhacdey. Rag iyo dumar Soomaaliyeed baa ku faraxsanaa xasuuqa Muqdisho ka socdey oo waxey ku dooddayeen dowladnimo ayaa lagu gaarayaa laynta shacabka iyo adeegsiga ciidamada Itoobiyaanka.

Maantana tabtii 2007-dii 2008-dii, rag iyo dumar Soomaaliyeed baa Formaajo iyo Khayre ku taageersan ku tumashada ay ku tumanayaan Dastuurkii dalka u yaala, caburrinta iyo cunaqabateenta shacabka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Muqdisho iyo deegaannada kale ku nool waxey ku dooddayaan in caburrinta iyo ku tumashada sharuucda dalka u yaal in dowladnimo lagu gaarayo. Waa gartood maxaa yeeley Hitler, Sadaam Xuseen, Pol Pot , Bedel Bukaasa iyo Siyaad Bare rag baa taageersanaa oo difaacayey una dhimanayey !.

Soomaalidu waxey weli isla fahmin macnaha dowladnimada iyo nidaamka dowladnimo ee aynnu doonayno in aan yeelano. Rag iyo dumar ayaa weli dowladnimadu mooda ninka ku reerka ah ee korsiga ku fadhiya in qalad iyo sax lagu taageero ficiladiisa . Indho iyo caqli intaas dhaafsiisan ma laha.

Waxaa halis hadda ka soo muuqata in dalka 2020 doorasho xor ah ka dhici doonto iyo inkale. Laakiin Soomaali caburin iyo kalitalisnimo sida layskaga celsho oo layskaga dulqaado wey yaqaaniin. Waxaase ayaandarro ah in dalka dib loogu celsho halkii laga yimid.

Isma lahayn wixii dhibaato la soo marey oo geeri leh oo qax leh oo burbur hantiyadeed leh ayaa 30 sano kadib rag ku taamaya in dalkan iyo dadkiisa xoog ku qabsadaan iyaga oo hareer maraya sharcigii dalka u yaaley. Laakiin nin kasta oo iswaala waayaha iyo waqtiga ayaa wax bara.

Waxaan hubaa in ummadda Soomaaliyeed Siyaad Barre kadib kalitalis kale ogolaan doonin. Nin kasta oo diida in dalkan la wada leeyahay ee awooda uu hayo ee loo dhiibtey ku takri fala ee ku xadgudba wuxuu dalkan ka tagayaa asagoo duleysan oo ceebeysan.

WQ:- Ilyas Mohamud