Warbixin Xasaasi. Sababta Ka Danbeysa Iscasilaadda Wasiir Ku Xigeenkii Xanaanada Xolaha. Somaliya.

1606

Xildhibaan C/kariim Khaliif Dhalac waxa uu ka mid ahaa xubnaha golaha wasiirada kuwa ugu degan, ugu nidaamka jecel. Waxa uu aad iyo aad ugu dhawaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C. Maxamed (Farmaajo). Waxa uu ku shaqaynayey duruuf aad u adag marka laga eego dhanka siyasada iyo dowladnimada.

Mudo saddex sano ah ayuu u adkaysana ballan furyo, waxqabad xumo dowladda dhexdeeda ah.

Xildhibaan Dhalac waxa uu isku dayey in hagaajiyo khilaafka Madaxweyne Xaaf iyo MDX Farmaajo iyo sidoo kale R/wasaare Xasan C. Kheyre hase ahaatee dhawr goor ayaa dhabar jebin iyo ballan ka baxyo lagu sameeyey.

Markii R/Wasaare X.C. Kheyre tagay Magaalada Galkacyo, G/Mudug wuxuu aad ugu dadaalay in uu heshiisiiyo R-Wasaaraha iyo xildhibaanadii mucaaradka ahaa ee joogay halkaas hase ahaatee, waxay arrintu ka socon wayday Mudane X. C. Kheyre oo loo malaynayo in uu arrimo gaar ah tabanayey.

Hadda waxay arrintu soo gaartay in Madaxweyne Farmaajo uu xildhibaanka iyo senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo beeshas dhan si jees-jees ah ugu soo afjaray kulankii uu lalahaa Beesha Sacad.

Lama oga sida warku ku danbeyndoono balse Xil. Dhalac waxa uu u muuqdaa mid doonaya in uu ka dhexmuuqdo siyaasadda mucaaradka. Ee Hada Dalka Caanka ka ah

Dhanka kale Dowladda Nabad iyo Nolal ayaa wadda Qorshe Xil.ubax Tahliil warsame loogu magacaabayo Xilka Wasiir ku Xigeen. Muhiim ah.
Xogtaan waxaan ka Helnay Ilo ka agdhow Siyaasada Dalka.