Warbixin:- Xuska Musiibadii 14 October, Labo sano ka dib, Farmaajo iyo kheyre Oo ka Dhuuntay Tacsida Maanta. Ujeedka.

1557

Maanta waxaa ay dadka Soomaaliyeed isweydiinayaan sababta Farmaajo iyo Kheyre uga baaqdeen ka qeybgalka munaasabadda October 14?!

Labada nin iyo maamulkooda jawaab uma hayaan agoontii iyo dadkii dhibbanaha ahaa, waxaa ay balan uga baxeen dadkii October 14 iyo dhammaan qaraxyada kale, oo weji gabax dartii dadka ma hor iman karaan, waana micno beeleen!!

Qaar Ka Mid Ah Khasaaraha October 14:

1. Qiimaha hantida burburtay waa: $10 Milyan, dowladdda Farmaajo hal shilin ma bixin oo dadka iyagaa dhistay!

2. Warato 139 qof iyo 92 albaab ama dukaan oo baa’bay ilaa hadda waxbo looma qaban!!

3. Agoonta oo ka badneyd 3,000, waxaana meel cidlo ah ku dhacay 400 oo qoys, maanta waa laga dhuuntay!!

4. Guddi taakuleyn oo isxilqaamay ayaa jiray, $3,802,847.43 ayey heleen, shirkado gaar ah ayaa bixiyey, laakin waa dhibic ka mid ah wixii dhacay!

5. 700 qof oo shahiiday looma aarin Iyo dadkii kale ee lagu dilay Xamar iyo meelaha kale!!

Dadku waxaa ay ogaadeen Farmaajo iyo maamulkiisa in aan la isku haleyn karin, balan laheyn, rajo laga qabin waxqabadkooda ah isla markaana aaney micno laheyn joogistooda!!

Abdizasiis Gurbiye.