War,Cusub:- Hubkii ugu badnaa oo Laga Dajiyay Dekadda Magaalada Hobyo, & Ciida hubkaa loo waday,

1664

Warar lagu Kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Wardoor.net ayaa sheegaya in Dekadda Macmalka ah Magaalada Hobyo laga soo dajiyay Hub iyo Gadiid Dagaal Islamarkaana loo wadday Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 21 aad. Hubkaan ayaa isagu jirara nuucyadiisa kala duwan waxaana Siday Dooni kana soo qadday Dekadda Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Somaliya

Hubkaan soo gaaray Taliska ciidanka 21 aad ayaa loogu tala galay in lagu Xoreynayo Degaanada Galmudug ee Gacanta ugu jirra Ururka Al.shabaab

Saraakiisha Ciidanka Dalka Somaliya Qeybtooda 21 aad ayaa ayaa si rasmi ah ula wareegay hubka iyo Gadiidka Dagaal Ee laga soo dajiyay Magaalada Hobyo Ee Gobolka mudug waxaana Hubkaa la geeyay Xarunta Taliska Ciidanka 21 aad Xooga Dalka Somaliya Ee ku taalo Magaalada Cadaado Gobolka GALGADUUD,