Wariye Arshad Shariif Oo Lagu Toogtay Kenya

236

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in la toogtay weriye caan ah oo u dhashay dalka Pakistan.

Arshad Shariif ayaa xaley lagu toogtay magaalada Kajiado oo aan sidaa uga fogeyn Nairobi.

Afhayeenka booliska Kenya ayaa sheegay inay baarayaan sababta ka dambeysay dilka weriyaha.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in weriyaha la toogtay xilli jidgooyo loo dhigay waddada isku xirta Nairobi iyo Magadi.

Xaaska weriyaha ayaa barta Twitter-ka ku xaqiijisay in seygeeda lagu toogtay gudaha Kenya.

Weriye Arshad Shariif ayaa warbixinno ka diyaarinayay eedeymo musuq maasuq iyo eedeymo ka dhan ah saraakiisha Pakistan taasoo horseeday in mas’uuliyiinta ay dhibsadeen.

Inta uusan dhiman weriyaha wuxuu ka shaqeynayay warbixin dabagal ah oo ay kasoo muuqanayeen weriyeyaal ka socda qeybo caalamka taasoo lagu eegayay eedeymaha ku aadan kooxo dambiilayaal ah oo abaabulan oo saraakiisha Pakistan xiriir la leh.