Wariye Axmed Xuseen Cadow oo geeriyooday

2060

Ilaah ha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe Isbitaalka Yardameeli ee Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Axmed Xuseen Cadoow oo kamid ahaa Wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Wariyahan geeriyooday oo katirsanaa Warbahinta Dalsan Media ayaa maalmihii lasoo dhaafay jiifay isbitaalka kadib markii uu lasoo darsay xanuun dhinaca wadnaha ah sida ay sheegeen eheladiisa.

Ilaah ha u naxariisteen Axmed Xuseen Cadoow, ayaa kasoo shaqeeyay Warbaahino kala duwan oo kuyaala magaalada Muqdisho, waxa uuna wariyahan ifka kaga tagay hal xaas iyo sadex caruur ah.

Geeriga Wariye Axmed Xuseen Cadoow waxaa ka tacsiyadeeyya wariyaal iyo agaasimayaal warbaahineed, waxaana lagu wadaa in maanta lagu aaso qabuuro kuyaala magaalada Muqdisho.