Wariye C/fataax Daahir Jeyte oo looma gacaabay Maareeyaha Madbacada Qaranka

1444

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa C/fataax Daahir Jeyte u magacaabay in uu noqdo Maareeyaha Wakaaladda Badbacada Qaranka Soomaaliyeed.

Maareeye Cabdifataax Daahir jeyte ayaa bedelaya Marxuum Axmed Faarax Gaatamow oo dhawaan ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa faray agaasimaha guud iyo agaasime waaxyeedka kale in ay la shaqeeyaan Maareeyaha cusub,si uu u guto waajibaadka shaqo ee horyaala.

C/fataax Daahir jeyte ayaa horey u soo noqday agaasimaha RadioMuqdisho,iyadoo sidoo kale wuxuu shaqooyin kale duwan uu ka soo qabtay qeybaha warbaahinta Qaranka.