Wariye Cabdalla Muumin oo laxiray

221

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, Cabdalla Axmed Muumin ayaa goor-dhaweyd lagu xiray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidanka Nabad-sugida Soomaaliya ee NISA ayaa la sheegay inay xirteen Xoghaye Cabdalla Muumin.

Xariga Xoghayaha Ururka suxufiyiinta ee Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa la sheegay inuu la xariiro shir jaraa’id oo isniintii ay qabteen ururrada suxufiyiinta Soomaaliyeed, kaas oo ay uga horyimaadeen go’aankii Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku joojisay faafinta wararka la xariira Al-Shabaab.