Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo la xiray +sababta

2258

Ku-xigeenka Agaasimaha Goobjoog Media Group Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa maanta xabsi loo taxaabay, kadib markii looga yeeray xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Goobjoog Media Group Xasan Maxamed Maxamuud ayaa xaqiijiyay xariga Cabdicasiis Gurbiye kaas oo meel ku dhac ku ah xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida warbaahinta.

Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaan ilaa iyo hada la ogayn sabaha xarigiisa ka dambeeya, hase yeeshee shalay wuxuu bartiisa facebook kusoo qoray in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) loogu deeqay Isbitaal Martiini!

“Ogow, waxaa xaqiiq ah in ventilator aanu horay u laheyn Martiini, markii deeq ay heleen si bukaankii loo badbaadiyo ka warama haddii Madaxweyne, ra’isul wasaare, wasiirro iyo xildhibaanno kala qaataan? Yaa u maqan muwaadinka?!” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

 

Maamulka degmada Hodan ilaa iyo hada kama soo bixin wax war ah oo la xiriira xariga Cabdicasiis Gurbiye

Maamulka Goobjoog ayaa wada dadaalo lagu doonayo sidii lagu sii dayn lahaa Agaasime ku xigeenka Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye.