Waxaa maanta Xorriyaddiisa helay Weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadow, oo muddo ka shan maalmood ah ku xirnaa xabsiga Godka Jilacow, oo ay maamushu hay’adda NISA.
Weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadow ayaa loo xiray wareysi uu la yeeshay ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo isagana la xiray markii uu horudhaca wareysigiisa ka baxay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.
wadahadal dhaxmaray maamulka ugu sarreeyo Idaacadda Kulmiye iyo saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka lagu guuleystay in la sii daayo weriayaha oo muddo si sharci darro ah u xirnaa.
Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo in ka badan 20 sano ku jira shaqada Saxaafadda, ayaa Aabe iyo Hooyo u ahaa caruur 8 ah oo ay hooyadood geeriyootay, waxaana habeen saqdi dhexe loogu galay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Sanadihii ugu dambeeyay weriyaasha iyo warbaahinta Soomaalida, ayaa aad uga cabanaya caburin iyo caga jugleen ay kala kulmayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo madaxda sare ee dalka.