Wariye Jaamac Dabaraani oo loo magacaabay Afhayeenka Puntland

1905

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, ayaa af-hayeenka xukuumadda lagu magacaabay Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) oo kamid ah suxufiyiinta degaannada Puntland.

Jaamac Dabaraani oo intii uu ku soo jirey saxaafada la soo shaqeeyay warbaahino kala duwan ayaa la kulmay xarig uu u geystey maamuladii ka jirey Puntland.

Magacaabistan ayaa ku soo beegantay xilli maalmihii la soo dhaafay uu ugaga socday kulan muhiim ah madaxda dowlada federalka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Waxaana loo arkaa magacaabistan mid wax ka beddeli doonta, xiriirka saxaafadda madaxa-bannaan iyo xukuumadda Puntland oo waayadan dambe sii xumaanayey.