Wariye Xuseen Cabdulle Maxamed oo laxiray

101

Ciidamo katirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegaya in saakay magaalada Muqdisho ku xireen wariye Xuseen Cabdulle Maxamed, oo kamid ah wariyaasha caanka ah ee ka howlgala warbaahinta Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay xariga wariye Xuseen Cabdulle ayaa waxaa amray taliyaha cusub ee hay;adda nabad sugida Soomaaliya Cabdullaahi Sambaloolshe, waxaana wariyaha hadda lagu hayaa xarun ay leeyihiin ciidanka NISA.

Wali lama oga sababta ka dambeysa xarriga saakay loo geestay wariyahan caanka ah ee ka howlgala Muqdisho, waxa uuna xarigan noqonaya kii ugu horreeyay ay NISA u geestaan wariye tan iyo marka xilka maalmo kahor loo magacaabay taliyaha NISA Sanbaloolshe.

Wariyaasha iyo warbaahinada ka howlagala magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqday ciidanka nabad sugida in ay dib u siiyaan xurriyadiisa wariyaha xiran ayna caddeeyaan dambiga ay u xireen.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo xileedkeedii hore ku caan baxday xarriga iyo caga jugleynta warbaahinta, waxaana hadda durba laga cabsi qabaa in ay dib u bilowday cadaadiska ay warbaahinta iyo wariyaasha ku hayaan.