Wariyihii hore ee BBC-da Cabdullahi Xaaji oo lawaayay

1383

Wariyaha rug caddaaga ah ee muddada dheer BBC-da ka hawlgali jiray Cabdullaahi Xaaji, ayaa lagu soo warramayaa in lagu la’yahay magaalada London tan iyo shalay 31-ka bishan March.

Saaxiibbadiisa iyo qoyskiisa ayaa codsaday in lagu caawiyo sidii loo heli lahaa Cabdullahi, oo markii dad ugu war dambeysay lagu arkay nawaaxiga laga raaco tareenada ee Victoria.

Qof kasta oo arkay ayaa laga codsaday in uu la soo xiriiro numbarada ku qoran sawirka kore.